Rikoodho qosol & qamuunyaba leh oo caawa laga dhigay kulankii Liverpool vs Real Madrid + Sawirro

0

(Liverpool) 21 Feb 2023 – Kooxda Liverpool ayaa waxaa guuldarradii ugu cuslayd taariikhda dhanka CL ku dhigtay kooxda Real Madrid oo 2-0 looga hormaray 5 ku sarriftay.

Haddaba, aannu eegno rikoodhadii xumaa ee laga dhigay ciyaartii caawa dhexmartay labadan camaaliqo ee ka mid ah kuwa ugu waawayn qaaradda cajuusada ah ee Yurub.

Liverpool ayaa noqotay kooxdii ugu horraysey taariikhda UEFA Champions League ee iyada oo 2-0 ku hoggaaminaysa ciyaarta kaddib farqi saddex gool iyo waxba ah looga adkaado.

Liverpool ayaa markii ugu horraysey taariikhda laga dhaliyay afar gool kulan gurigeeda ay joogto oo Yurub ah.

Xiddigga kooxda Liverpool ee Mohamed Salah ayaa ah xiddigii ugu horreeyey ee laba gool midna dhaliyey midna dhigay ama caawiyey ilaa 8 kulan oo kala duwan oo uu u ciyaaray koox Ingiriis ah taariikhda UEFA Champions League.

Da’diisu waa 22 sano iyo 224 maalmood, Vinícius Júnior waa ciyaaryahankii ugu da’da yaraa ee isaga oo Liverpool ku wajahaya gurigooda laba gool kaga dhaliya garoonka Anfield tartamada Yurub tan iyo Johan Cruyff bishii Diseembar 1966-dii isagoo u safnaa Ajax koobka European Cup (19-jir iyo 233 maalmood).

Mohamed Salah ayaa 44 gool ka dhaliyey tartanka UEFA Champions League, waana goolashii ugu badnaa ee ciyaaryahan Afrikaan ihi taariikhda tartankan ka dhaliyey (Waxaa taa la wadaaga Didier Drogba).

Goolkii uu dhaliyey Darwin Núñez saddex daqiiqo iyo 10 ilbiriqsi kaddib ayaa ahaa goolkii abid ugu dhaqsiyaha badnaa ee ay Liverpool kaga dhaliso UEFA Champions League garoonka Anfield.

Stefan Bajcetic waa ciyaaryahanka ugu da’da yar (18 sano, 122 maalmood) ee safka hore kusoo bilowda Ciyaar Champions League ah isagoo u dheelaya Liverpool

Hadalsame Media