“Waxaad tihiin beenaalayaal!” – Taageerayaasha Liverpool oo fowdo UEFA ka dhan ah ka dhigay ciyaartii ugu xumayd taariikhdooda CL (Maxay ku haystaan?)

0

(Liverpool) 21 Feb 2023 – Kooxda Liverpool Liverpool ayaa waxaa guuldarradii ugu cuslayd taariikhda dhanka CL ku dhigtay kooxda Real Madrid oo 2-0 looga hormaray 5 ku sarriftay.

Yeelkeede, taageerayaasha Liverpool ayaa caradooda muujiyey iyagoo weerar ku qaaday xiriirka UEFA kahor kulankan Real Madrid goortii ay maqleen in si khaldan loogu eedeeyey qalalaasihii finalkii Champions League ee xilli ciyaareedkii hore ee u dhexeeyey isla kooxahan.

Xiriirka UEFA ayaa dib u eegis iyaga u gaar ah ku sameeyey wixii ka dhacay bannaanka Stade de France bishii Maajo ee la soo dhaafay, taas oo keentay in kulankii dhamaadka ee Liverpool iyo Real Madrid dib loo dhigo 40 daqiiqo kaddib shaqaaqo loo adeegsadey gaaska ilmada si saxmadda loo yareeyo.

Maamulka Faransiiska iyo UEFA ayaa markii hore sheegay in taageerayaal Reds ah oo tikit la’aan ihi ay sababeen dhacdooyinkan ceebaysan ee dhacay kahor final-kaas.

Yeelkeede, Isniintii lasoo dhaafay, warbixin madaxbannaan ayaa meesha ka saartay in taageerayaasha Liverpool si rasmi ah loogu caddeeyn karo wax dembi ah kaddib baaritaankii UEFA, taasoo ka geddisan wixii ay sheegayeen mas’uuliyiinta Faransiiska ee Paris.

Taageerayaasha Liverpool ayaa haatan iyagoo taa ka dabaaqaya aflagaaddo u gaystey UEFA iyagoo sidoo kale ku orriyey astaanta CL iyagoo ku qaylinaya “F**** UEFA.”

Qaar ayaa watey boorar ay ku qoran tahay “waa Champions League-gii dafirayaasha” iyagoo UEFA ku tuhmaya inay mas’uuliyad ka carar tahay, halka qaar kale ay “beenaalayaal” ku tilmaameen.

Liverpool fans stuck outside the ground show their match tickets during the UEFA Champions League Final at the Stade de France, Paris. Picture date: Saturday May 28, 2022. PA Photo. See PA story SOCCER Final. Photo credit should read: Adam Davy/PA Wire.
RESTRICTIONS: Use subject to restrictions. Editorial use only, no commercial use without prior consent from rights holder.

 

Hadalsame Media