CABSI CUSUB: Saamiga Man United oo hoobtay kaddib khabar aan fiicnayn oo usoo yeerey kooxdaasi

0

(Muqdisho) 21 Feb 2023 – Qiimaha saamiga Manchester United ayaa hoos u dhacay in ka badan 9 boqolkiiba Talaadadan kaddib markii uu soo baxay war sheegaya in laga cabsi qabo in qoyska reer Glazer aysan iibin kooxda.

Saamiyo lagu qiimeeyey ilaa $25.55 [£21.08] oo ka diiwaan gashanaa Suuqa Saamiyada caanka ah ee New York Stock Exchange ayaa hoobtay furitaankii ganacsi ee Talaadadan kuwaasoo hoos ugu dhacay ila $24.27 [£20.02] 30 daqiiqo gudahood.

Dib u soo kabasho yar ayaase xigtey hoos u dhac kale oo isna gaarey $24.10 [£19.88] mar lagu sii dhowaanayey 11 subaxnimo ee aminta New York kahor inta aysan mar 3-aad hoos uga dhicin $24 [£19.80] calaa saamigiiba.

Mustaqbalka lahaansho ee kooxda Old Trafford – oo ay reer Glazers ku qiimeeyeen £ 6bilyan oo gini – ayaa ahaa mowduuc doodda adag ee maalmihii la soo dhaafay taagnayd iyadoo ay kooxo yari ku xafiiltamayaan kaddib ‘xilliga kama dambaysta ah’ ee soo gudbinta dalabyada oo ku beegnaa Jimcaha kaasoo ay dejisay shirkadda Raine Group.

Sheikh Jassim bin Hamad Al Thani, oo ah Guddoomiyaha mid ka mid ah bangiyada ugu waawayn dalka qaniga ah ee Qadar, ayaa xaqiijiyey rabitaankiisa uu ku doonayo kooxdan sida uu xaqiijiyey sanduuqiisa Nine Two Foundation.

Hadalsame Media