Sharraxaad laga bixiyey sababta ka dambaysa weerarka lagu qaaday dhaawaca Macawisleey

0

(Muqdisho) 21 Feb 2023 – Waxaa weli magaalada Muqdisho ka socda dagaal u dhexeeya Ciidamada Dowladda Federaalka oo ka fal-celinaya weerar ay kooxda Al-Shabaabku ay ku qaadeen guri ku yaalla xaafadda Mirinaayo ee degmada Cabdicasiis ee Muqdisho.

Guriga la weeraray ayaa la sheegay inay yaallaan qaar ka mid ahaa dhaawaca ciidamada Macawisleey ee Shabaabka ka xoreeyey qaybo badan oo ka tirsan gobollada dhexe, gaar ahaan dhanka Hiiraan.

MW hore ee Hirshabeelle ayaa sharraxaad ka bixiyey weerarkan oo uu sheegay inuu muujinayo quusta ay joogto kooxda Al-Shabaab oo aan horay u cayrsan jirin dadka dhaawaca ah.

”Guuldarrooyinka is xigxigey ee ka gaarey weerarradii rogaal-celiska ahaa ee Hiiraan waxay Khawaarijta Shabaabku bartilmaameedsadeen meel lagu dawaynayey dhaawaca Macawisleeyda ee Muqdisho ku sugan,” ayuu warkiisa ku bilaabay Max’ed Cabdi Waare.

”Mar haddii bartilmaameedkani aanu lahayn qiime ciidan, waxay tani muujinaysaa jabkooda, qaraarkooda, & damiir xumadooda.” ayuu daba dhigay.

Si kastaba, weerarka gurigan lagu qaaday ayaa la sheegayaa inaan weli lasoo afjarin, iyadoo loo badinayo inay gudaha galeen ilaa afar ka tirsan malliishiyaadka Shabaabka.

Hadalsame Media