Fal-celin yaab leh oo ka timid xuquuqda daabacaadda oo uu AAW ku xirtey khudbad uu leeyahay MW hore ee Farmaajo

0

(Muqdisho) 21 Feb 2023 – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa beryahan waxaa uu Youtube ka bilaabay barnaamij cusub oo uu sheegay inuu ula jeedo baraarujin dadwayne.

Dadwaynaha ayaana durba bilaabay inay siyaasigan oo hoggaamiya Xisbiga Wadajir ay ku xifaaleeyaan inuu yahay ”Youtuber-kii ugu horreeyey ee siyaasadda ka samayn doona barnaamijyo fal-celin ah.”

Haatan, waxaa baraha bulshada ka socota arrin ku saabsan Warsame oo xuquuqda daabacaadda ku xirtey khudbad uu jeediyey MW hore ee DF Somalia, Max’ed Farmaajo.

”Marnaba maskaxdaada ma ku soo dhacday inaad cimri ku gaari doonto Abdirahman Abdishakur Warsame oo YouTuber ah oo waliba Copyright ku xiranayo qudbadihii Madaxweyne hore Farmaajo?” ayuu is waydiiyey Cali Yare Cali oo ka mid ahaa raggii aadka ugu dhowaa Farmaajo oo boggiisa Facebook soo dhigay arrintan.

Deeto waxaa is qabsaday fal-celinta dadwaynaha oo sidii caadiga ahayd uu midba meel ku dhuftay. Halkan hoose ka eeg….

https://www.facebook.com/photo/?fbid=6619910718033470&set=a.128148367209770

May be an image of 1 person and text that says 'There are changes to your video because of a copyright match The following actions were applied to your video by Abdirahman Abdishakur Warsame, because it may contain 32 seconds of content they own: A link was added to your video to give credit to the rights owner. Applied worldwide Copyed content found in your video Audio segment 00:00-00:32 Video segment 00:00 00:00-00:32 Continue'

Hadalsame Media