”Bellingham wuxuu Fernandez ka dhigay sidii nijaar” – Taageerayaasha oo ku qoslay bandhigga wiilka ugu qaalisan EPL

0

(Dortmund) 16 Feb 2023 – Taageerayaasha Chelsea ayaa lagu jees jeesay kaddib safarkii guuldarrada ku dhamaaday ee Champions League ee ay ku wajahayeen Borussia Dortmund iyagoo horay u sheegay in saxiixa rikoorka jebiyey ee kooxda ee Enzo Fernandez uu cashar kubadeed u dhigi doono Jude Bellingham.

Xitaa website-ka rasmiga ah ee kooxda ayaa soo dhigay sheeko is barbar dhigaysa labada xiddig ee khadka dhexe kahor intii aanay si fool ka fool ah isaga hor imanin garoonka Signal Iduna Park.

Yeelkeede, Dortmund iyo Bellingham ayaa la carraabay guushii kulankaas iyada oo kooxda reer Jarman ay 1-0 ku garaacday booqdayaasha ka yimid Premier League xilli uu 21-jir Karim Adeyemi dhaliyey goolka madiga ah ee ciyaarta.

Taageere ayaa ku kaftamay sidatan: ‘Bellingham waxa uu maanta Fernandez ka dhigay sidii nijaar ama alwaaxle oo kale’ iyadoo qaar ka mid ah ay si xad dhaaf ah uga badbadiyeen is barbardhigga qaab ciyaareedka labada xiddig ee khadka dhexe ee caalamiga ah.

Hadalsame Media