Sool oo 32 sano kaddib CAMAL WAYDIIS ku noqotay Somaliland & 5-ta su’aalood ee looga jawaabi kari la’yahay

0

(Hadalsame) 16 Feb 2023 – “Nalaga fili maayo wixIi Siyaad Barre u gaystay shacabka Somaliland iyo reer HargAysa in aan cid u gaysanno.” Waxaa hadalkaa ficilkii maalmo dhowayd seeggan goor dhow sheegay MW Somaliland, Muuse Biixi.

Waxaa hadalkaa keenay dagaalka ka soconaya Laascaanood oo haatan 2 todobaad kusii dhowaanaya ee ay Somaliland kula jirto dadka degaanka oo taagan isla halkii ay shacabka Somaliland taagnaayeen 1988-kii, taasoo 32 sano kaddib camal waydiis ku noqotay maamulka laga dhisay Hargaysa iyo doodaha uu ku dhisan yahay.

BAL ISU EEG DOODAHA XUJOOYINKA EE ISLA GUDBOON:

SOMALILAND: Waan go’nay, waayo xaq ayaan u leenahay inaan aayaheenna ka tashanno.”

SOOL: Ma doonayno inaan go’no, waayo waxaan xaq u leenahay inaan aayeheenna ka tashanno.

SOMALILAND: ”Haddii aad diiddaan inaad naga mid ahaataan waan idin burburinaynaa.”

SOOL: ”Oo taasi soow ma ahayn middii aad adinku diiddeen oo aad ilaa maanta ka cabanaysaan in magaalo ay duqeeyaan isla ciidankii dhinac ka joogey?”

SOMALILAND: ”Waxay ciidamadu amar ku qabaan inay la dagaallamaan cid kasta oo diidda midnimada ”qaranka” Somaliland.”

SOOL: ”Oo maxaad isla warkaas uga aqbali waydeen Dowladdii Somalia ee weliba sharciyadda haysatey?”

SOMALILAND: ”Hal inji oo dalka ka tirsan cid goyn kartaa ma jirtee ciddii go’aysaa ha guurto.”

SOOL: ”Hagaage, idinku goorma ayaad Somalia ka guuraysaan?”

SOMALILAND: ”Waxaan Somalia uga go’aynaa cadaalad darro aan la kulannay.”

SOOL: ”Maxay tahay cadaaladda ay Sool ku haysato Somaliland?”

Maxaad ku dari lahayd?

W; Q: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media