Arrin u baahan in il gaar ah lagu eego oo kusoo kordhaysa magaalada Garoowe

0

(Garoowe) 16 Feb 2023 – Waxaa magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland lagu arkay arrin si isa soo taraysa u walaacinaysa dadka degaanka. Waxaana arrintan qoraal kooban ka samaysay Nasro Cabdirisaaq oo ah weriye halkaa ku sugan:

”Magaalada Garoowe intii muddo ahayd waxaa kusoo badanaya dad tuugsanaya oo aan duruufo la arki karaa ka muuqan, dadkaasi waxay u badanyihiin rag, waxay xoog u garaacayaan albaabada xaafadaha, xitaa haddii lala hadlo iyadoon albaabka la furin tegi mayaan illaa la furo.

”Tusaale, xaafad ilmo yar yar joogaan oo waalidku ka maqanyahay haddii laga furo lama oga waxa dhici kara, dadkaasi intooda badan Soomaali ma ahan waa itoobiyaan oo qaarkood afkaba garan mayaan.

Maalintii ugu yaraan 10 mar ka badan baan arkaa dadkaas. Arrintaani ma aqaan inay gobolada kale ka jirto, laakiin aniga cabsi bay igu abuurtay ee aan dhug u lahaanno.”

AFEEF: Ha u fasiranina inaan SADAQADA diidanahay, qof walba sadaqada isagaa dani ugu jirtaa.

Hadalsame Media