”Aamus waryaa!” – Maxaa xalay kala qabsaday taageere Juventus ah & Macallin Allegri (Daawo)

0

(Torino) 13 Feb 1023 – Macallinka Juventus ee Massimiliano Allegri iyo taageere ka tirsan Old Lady oo tarabuunka saarnaa ayay ka tafatay intii ay socotey ciyaartii ay gurigooda dirqiga kaga badiyeen Fiorentina, isaga oo ku yiri ‘aamus’ oo ‘kaalay halkan’.

Allegri waxa uu aad uga caroodey taageere ku sugnaa tarabuunka daqiiqadihii ugu dambeeyey kulankii ay Juventus 1-0 kaga badisay Fiorentina, ilbiriqsiyo kahor goolkii laga diidey ee Gaetano Castrovilli.

Tababaraha reer Talyaani ayaa si lama filaan ah u eegay dhanka tarabuunka, isagoo u tilmaamay taageere ku orrinayey qaar ka mid ah ciyaartooyda Juventus, gaar ahaan waxaa la sheegay inuu ula jeeday Moise Keane, xilli kooxdaasi ay la tacaalayso 15-dhibcood oo laga jartay.

“Waa ciyaartooyda Juventus, waxaana u baahanahay dhamaantood. Ma jecli dadka garoonka imaanaya oo diyaar u ah inay caayaan ciyaaryahannada, taasi waa xushmad darro. Si kastaba ha ahaatee, nagu foori marka aan si xun u dheelno, laakiin haka hormarin waqtiga oo halla soo deg degin dhaliisha.” Allegri u sheegay hilinka DAZN.

Hadalsame Media