Qayladhaantii Arsenal oo shaqaysay iyadoo garsoorihii VAR u qaban lahaa laga bedeley kulanka Arbacada (Kulan kale oo isna laga bedeley)

0

(London) 13 Feb 1023 – Garsoore John Brooks ayaa laga CAYRIYEY waajibaadka VAR kulanka caawa ee Merseyside Derby ee u dhexeeya Liverpool iyo Everton iyo kulanka Arbacada ee horyaalka Ingiriiska ee u dhexeeya Arsenal iyo Man City kaddib markii uu si khalad u diidey goolkii ay Brighton ka dhalisay Crystal Palace.

Todobaad-dhamaadkii waxaa dhaliil culus la kulmay VAR, Brooks ayaa diidey goolkii uu Pervis Estupinan ka dhaliyey Eagles Sabtidii – kaasoo noqon lahaa goolkii furitaanka ciyaarta – kaddib markii uu khadka hobseedka ku saleeyey daafac khaldan.

Khadka hobseedka ayaa waxaa uu saaray James Tomkins halkii uu ka saari lahaa ninkii ugu dambeeyey ee Marc Guehi, kaasoo gadaashiisa taagnaa. Sidaa darteed, goolku wuu taagnaan lahaa haddii sida sax ah xariijinta loo saari lahaa laacibka Guehi.

Ciyaartaas u dhaxaysey Brighton iyo Palace ayaa ku dhamaatay 1-1, iyadoo Seagulls ay goolka koowaad ka heshay Solly March kahor inta aysan Palace barbarraynin iyadoo uu u dhaliyey Tomkins.

Garsoorayaasha Andre Marriner iyo David Coote ayaa la wareegi doona waajibaadka VAR  kulanka Liverpool iyo Everton ee caawa iyo kulanka Arsenal ay la ciyaari doonto Man City fiidnimada Arbacada siday u kala horreeyaan.

Hadalsame Media