”Ma yaqaannaan sida kubbada loo ciyaaro” – Benzema oo ku dhega hadlay laacibiin caan ah (Laacibka loo badinayo?)

0

(Madrid) 13 Feb 1023 – Laacibka Karim Mostafa Benzema ayaa ku dhega hadlay qaar ka mid ah laacibiinta ka dheesha lambarka 9-aad ee loo yaqaan weerarka dhexe.

Benzema oo weli ka mid ah dhaliyeyaasha ugu wanaagsan adduunka tiiyoo uu sii gaboobayo marka la eego da’da xirfadleeyda ayaa yiri:

”Waxaa jira weeraryahanno aan aqoonin sida loo ciyaaro kubadda cagta, sidoo kalena aan aqoonin sida garoonka loo galo, kaliya waxay yaqaannaan sida gool loo dhaliyo uun.” ayuu yiri.

Hadalkan ayaa fasiraad loo raadiyey waxayna taageerayaasha iyo khubarada ciyaaruhu u badiyeen inuu ugu duurxulayo laacibiin uu ugu horreeyo qannaaska Man City ee Erling Haaland.

Hadalsame Media