”Waxay ku leeyihiin waa horyaalka adduunka ugu fiican” – Ian Wright furka xooray kaddib khaladii Arsenal (Daawo)

0

(Hadalsame) 12 Feb 2023 – Halyeeygii Arsenal ee Ian Wright ayaa sheegay inuu aad ula yaabay ‘jahawareerka’ garsoor ee kulankii shalay kaddib maalin kale oo muran ka dhashay VAR-ka Premier League.

Kooxaha ArsenalBrighton iyo Chelsea ayaa dhamaantood dareemaya murugo iyadoo ay mid kasta ay gashay barbarro 1-1 ah iyada oo wax khaladaad u muuqdey ay u diideen guulo ay gaari lahaayeen.

‘What are the consequences for Arsenal, man? Trying to put a title run together, man, what are the consequences? Best league in the world they say, that’s what we say, “oh, best league in the world”‘.

Kooxda hoggaanka u haysa horyaalka ee Arsenal ayaa hoggaanka ciyaarta la wareegtay kulankii kooxda Brentford kahor inta uusan goolka bareejada ka dhalin Ivan Toney.

Sida uu qoray Sportsmail Lee Mason oo VAR u xilsaarnaa ayaa ilaawey inuu sameeyo jiitinta hobseedka – hadii uu sidaas sameeyn lahaana, goolka Gunners lagu bareejeeyey waa la diidi lahaa.

Wright ayaase furka ku xooray khaladkaa waadaxa ah isagoo ku qayliyey: “Waa maxay cawaaqibka Arsenal, ninyahow? Ma in la isku dayo in (hoggaanka) horyaalka la isku qabsado?

“Horyaalka adduunka ugu fiican ayay yiraahdaan, taasi waa waxa aanu niraahno, “oh, horyaalka ugu fiican adduunka”‘. Ayuu ku celceliyey.

 

View this post on Instagram

 

A post shared by Ian Wright (@wrightyofficial)

Hadalsame Media