Diyaaradaha Maraykanka iyo Canada oo iskugu tegey soona ridey sheey dhululubo u eg oo isu maray hawada labada dal

0

(Hadalsame) 12 Feb 2023 – Diyaarad dagaal oo laga leeyahay dalka Maraykanka ayaa soo riddey shay dhululubo u qaab eg oo aan la aqoonsan oo dul heehaabayey hawada dalka Canada, kaddib howlgal ay si wadajir ah u fuliyeen dalalkan deriska la ah Woqooyiga Ameerika.

Toogashadan ayaa ahayd falkii labaad ee noocan ah waxayna kusoo beegantay iyadoo Woqooyiga Ameerika ay ku jirto feejignaan dheeri ah kadib sheekadii toddobaadka qaadatay ee ku saabsanayd buufin basaasnimo lagu tuhmey oo Chinese-ku lahaa.

Ra’iisul Wasaaraha Canada ee Justin Trudeau ayaa markii ugu horreeysey ku dhawaaqay in waxan lagu soo riday degaanka Yukon ee woqooyiga dalkaasi, waxaana uu sheegay in ciidamada Canada ay dib usoo saari doonaan ayna baari doonaan burburka.

 

Wasiirka Difaaca ee dalka Canada, Anita Anand,  ayaa diiddey in ay qiyaasto halka uu ka yimid walaxdan oo ay sheegtay in uu ahaa mid yar oo qaabkiisu yahay dhululubo.

Sidoo kale way ka gaabsatay inay ku tilmaamto buufin laakiin waxay sheegtay inay xajmi ahaan ka yarayd buufintii Shiinaha ee kusoo dhacday xeebta South Carolina toddobaad kahor markii uu Maraykanku duqeeyey.

Waxay sheegtay inay duulaysey joog dhan 12,100 mitir (40,000 cagood) ayna halis ku ahayd taraafikada hawada ee rayidka ah sida diyaaradaha markii la toogtey 3:41 EST (20:41 GMT).

“Ma jirto sabab lagu rumaysto in qaraxa shaygan ee dhulka Canada uu yahay mid ay ka walaacaan dadwaynuhu.” Ayay Anand ka sheegtay shir jaraa’id.

Pentagon-ka ayaa sheegay in Taliska Difaaca Hawada Sare oo ah raadaarka ilaaliya hawada Woqooyiga Ameerika oo dhan (NORAD) uu sheeygan ku arkay hawada Alaska.

Diyaaradaha dagaalka Maraykanka ee ku sugan Saldhigga Wadajirka ah ee Elmendorf-Richardson, Alaska, ayaana la socdey shayga markii uu u gudbayey hawada Canada, halkaas oo diyaaradaha dagaalka Canada ee CF-18 iyo CP-140 ay ku biireen kuwa Maraykanka si loo soo rido.

Hadalsame Media