DAAWO: Baaritaan MUSUQ oo ku socda Hay’adda Howlgabka Gaarka ah ee Uganda oo ay kasoo baxeen arrimo lama filaan ah

0

(Kampala) 13 Feb 1023 – Yugaandha asbuucii la soo dhaafay guddiga maaliyada Baarlamaanka ku bilaabay baaritaan iyo isla xisaabtan hay’adda masuulka ka ah aruurinta lacagaha howlgabka iyo daryeelka dadka howlgabka ah ee u shaqeeya shirkadaha gaarka ah ee loo yaqaan National Social Security Fund (Uganda-NSSF).

Waxyaabaha cajiibka ah baaritaankaan oo uu wado Baarlamanku welina socda laga diwaangaliyay ayaa ah,waaxda shaqada iyo shaqqalaha Agaasimaheeda, madaxa tababarradda iyo hormarinta shaqalaha, Madaxa imtixaanka iyo xogta shaqaalaha waa walaalo.

Madaxa ITC iyo madaxa daryeelka iyo caafimaadka shaqaaluhu waa walaalo waxaana dhalay Agaasimaha adeerkiis, madaxa xiriirka shaqaalaha iyo mushaaraadka waa Agaasimaha seedigiis.

Waxaa qasnada hay’adda ma maqan $1.8B oo ah lacaga soo xarootay 2019-2022 waxaa maqan lacago badan la sheegay in dhismayaal galeen balse aan dhismahii la arkin, miisanayadda hay’adda 2023 waxaa lagu wadaagay Whatsapp oo meel kale waa laga ilaaliyay in xogta maaliyada looga hadlo, $180k gadiid lagu soo iibiyay waxaa la arkay 2gaari aan shaqaynaan kaliya.

Tillaabooyinka wanaagsan ee Yugaandha laga baran karo ah in baaritaankaan iyo isla xisaabtankaan TV caalamiyey oo si toos ah u tebinayaan.

Musumaasuqa dunidda Yugaandha sanadkii 2021 waxay ku jirtay kaalinta 144-aad halka ay gashay sanadka 2022 kaalinta 142-aad, Soomaaliya musuqa waxay ka gashay sanadkii 2021 kaalinta 178–aad halka 2022 ka gashay 180 ama 180 dal xogta laga soo aruuriyay Soomaaliya waa dalka ugu hooseeya ama ugu musuqa badan.

Siddaas darteed, Yugaandhada aan layaabayno waxay ka fiican tahay 38 dal oo adduunka ah halka Soomaaliya tahay wadanka ugu xun dhanka musuqa sidda ay sheegtay Transparency International.

W; D: Cabdinuur Wayrax

Hadalsame Media