”Waxaan isu diyaarinaynaa inaan soo ridno” – Hawada Shiinaha oo lagu arkay wax la garan la’yahay

0

(Hadalsame) 12 Feb 2023 – Waxaa lasoo sheegayaa in dalka Shiinaha lagu arkay waxa loo yaqaan ”Suxuunta Duusha” ama UFO gaar ahaan meel u dhow magaalo xeebeedka dalka Shiinaha ee Rizhao, sida ay ku warrantay warbaahinta dalkaasi.

Hadda Shiinaha ayaa sheegay inay isu diyaarinayaan inay sheygan soo ridaan.

Sida laga soo xigtey shabakada wararka Shiinaha ee Global Times, shaygan duulaya ayaa la arkay Axaddan maanta ah.

Maamulka maxalliga ah ee gobolka Shandong ee Shiinaha ayaa lagu soo warramayaa inay sheeygan ku arkeen deked ku taal magaalo xeebeedka Rizhao, sida ay sheegtay warbaahinta dowladdu.

Hadda “mas’uuliyiinta ku shaqada leh” sida ciidanka ayaa isku diyaarinaya inay soo ridaan sheeygan waxaana kalluumaysatada degaanka laga codsanayaa inay taxaddaraan.

Si kastaba, waloow UFO lagu sheegay misna weli lama oga waxa uu runtii yahay shaygan duulaya.

Todobaad kahor ayay ahayd markii Maraykanku uu soo ridey buufin Shiineesku leeyahay oo ku duulayey joog sare oo qiyaastii 18 KM u jira dhulka Maraykanka.

Hadalsame Media