SAWIRRO YAAB LEH: Madaxda DF Somalia oo ay seegtay talo fiican (Arrin aan wax tarayn oo ay la taagan yihiin Safaaradda Turkiga)

0

(Muqdisho) 12 Feb 2023 – Waxaa Isniintii dalka Turkiga ku dhuftay dhulgariir aad u culus oo wada saameeyey Turkiga iyo Suuriya, waloow uu daran yahay dalka hore.

In ka badan 28,000 oo qof ayaa ku dhintay tobanaan kun oo kalena waa ay ku dhaawacmeen dhulgariirkan oo uu cabirkiisu yahay 7.8 marka la eego muggiisa, sida ay saraakiishu sheegeen.

Haddaba, DF Somalia oo ka mas’uul ah Somalia oo xiriir wanaagsan la leh Turkiga oo marar badan gargaar gaarsiiyey Somalia, ayaa Safaaradda Turkiga ee Muqdisho indha-wallayn micne daran ka wada dhowr maalmood.

Waxaa halkaa tegey qaar ka mid ah madaxda ugu sarreeysa dalka oo halkaa aan u tefin inay gacan gaystaan, balse saxiixaya buug tacsiyeed.

Waloow ay Somalia tahay dal dhibban misna waxaa la aaminsan yahay in haba yaraatee hal diyaarad ah oo raashin iyo bustayaal ah ay diri karto DF Somalia, taasoo sharaf wayn u noqon lahayd Somalia dhowr qofna wax tari lahayd halkii saxiix maran la isku garbin lahaa.

Hadalsame Media