Arsenal oo khalad wayn oo laga galay ku seegi karta Horyaalka Ingiriiska (Ninka khaladka galay oo horay khaladaad kale u sameeyey)

0

(Hadalsame) 12 Feb 2023 – Garsooraha VAR ee Lee Mason ayaa hilmaamay inuu ku jeexo khadadka dhinac baxa ama offside-ka barbarihii muranka dhaliyey ee Brentford khaladkaas oo saamayn wayn ku yeelan kara dagaalka ay Arsenal ugu jirto horyaalka Premier League.

Christian Norgaard ayaa ku jirey hobseed markii uu karooska u soo dhigayey Ivan Toney, goolkaas ayaana meesha laga saari lahaa hadii xariiqda VAR la samayn lahaa.

Guul ay Arsenal gaarto ayaa ka dhignaan lahayd inay 8 dhibcood oo nadiif ah ku qabtaan hoggaanka Premier League laakiin barbarraha ayaa la micne ah in Man City ay hoggaanka isla geddin doonto haddii ay maanta badiso kaddibna ay Gunners garaacdo habeenka Arbacada.

Mikel Arteta oo aad u caraysan ayaa ku dooday in goolkaa sidoo kale loo diido inuu khalad galay Ethan Pinnock oo jiidey Gabriel kahor intaan la dhisin weerarkii lagu dhaliyey goolka hobseedka ah.

Tan ugu darani waa in muddo dheer la eegayey aaladda VAR, balse laga ilduufay in la jeexo jiitintii hobseedka taasoo ka caraysiisey taageerayaasha Gunners oo haatan u jeeda horyaalkii oo farahooda kasii baxaya.

Dad uu ka mid yahay garsoore hore, Keith Hackett, ayaa ku baaqay in la cayriyo garsoorahan oo aysan ahayn markii ugu horreeysey oo uu khaladkan oo kale galo.

Laba sano kahor wuxuu Mason meesha ka saaray laba roose oo la bixiyey ciyaar u dhaxaysey West Ham iyo Southampton kaddib markii uu VAR si khaldan u xugmiyey.

Hadalsame Media