Safaaradda Somalia ee Turkiga oo kaalmo soo daahday diyaarisay kaddib dhaliil badan (Basas ay dirtay & Goobta?)

0

(Ankara) 08 Feb 2023 – Waxaa ilaa shalay baraha bulshada wareegayey qoraal lagu dhaliilayo habacsanaanta iyo karti xumada howlwadeenka Safaraadda Somalia ee Turkiga oo aan wax tillaabo ah qaadin markii uu Turkiga gilgiley dhulgariir aad u xooggan.

Safaaradda oo haatan xilli ay xeero iyo fandhaal kala dheceen hilhilasho samaysay ayaa soo bandhigtay qoraal kooban oo ay ku sheegayso inay dhistay guddi gurmad iyo inay basas u kala dirtay ilaa afar meelood.

”Safaaradda Soomaaliya ee Ankara waxay ku wargelinaysaa dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool Dalka Türkey, in Gurmadakii Safaaraddu Sameynayso ee Magaalooyinka Masiibadu ka dhacday laga soo daadguraynayay Muwaadiniinta in ay Ankara Soo gaareen,” ayay ku yiraahdeen qoraalka.

”Bas kii ugu horeeyay oo soo galay 6:00 Subaxnimo manta oo Arbaco ah kana yimaaday Kahramamaraash ayna saarnaayeen 29 Arday. Sidoo kale waxaa soo socda Bas ka imanaya Adiyaman oo ay saaranyahiin 34, waxaa kale oo soo gelaya labo 2 Bas oo ka imanya Gaziantep oo Arday ah ka kooban 60 Arday.

”Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalka Turkiga waxaan ka codsanaynaa in ay Garab istaagaan walaalahooda dhibaatadu ku dhacaday , lana shaqeeyaan Guddiga gurmadka ee Jaaliyadda.” ayay raaciyeen adigoo hoos ka heli kara dadka aad la xiriirayso.

Hadalsame Media