”13 neef ayaa horteeyda lagu qalay” – Xoolaha markii la xareerey tacaddiyo kale oo dhacay oo la kashifay & Nin sheegay in laga diidey inuu ganaax bixiyo (Daawo)

0

(Muqdisho) 08 Feb 2023 – Shalay waxaa Muqdisho ka dhacday arrin weli muran ka taagan yahay kaddib markii uu Maamulka Gobolka Banaadir uu qalay kaddibna hilbohoodii qaybiyey lo’ uu kasoo ururiyey jidadka Muqdisho.

Arrintan ayay dad badani dood ka keeneen iyagoo ku tilmaamay ku takri-fal awoodeed waxaana la is waydiinayaa sharciyadda uu maamulku adeegsadey, tiiyoo aan meesha laga saari karin in la ilaaliyo nidaamka magaalada misna ma jiro sharci dalka ka jira oo dhigaya oo inta xoolo baadi ah lasoo qabto la iska qasho. Halkan ka aqri qaabkii arrintan loo wajihi jirey burburkii kahor.

Oday Soomaaliyeed oo sheegay in laga bireeyey 13 neef oo ka tirsan guud ahaan 15 neef oo laga soo raafay, ayaa ku cowday inay waayeen wax ay xoolaha siiyaan isagoo sidoo kale sheegay in xitaa xoolihii la xareeyey ay baahiyi dishey oo uusan gobolku waxba siinin xoolahaasi, taasoo ah tacaddi kale oo bahaahinkaa ku dhacay. Waxaa kale oo uu odaygani sheegay in laga diidey inay ganaax bixiyaan.

Haweeney kale oo iyaduna sheegtay inay xoolo usoo safrisay Muqdisho oo ay 2 maalmood uun joogto, ayaa sheegtay in xooleheeda lasoo raafay iyadoo sheegtay inaysan weli hubin in xooleheedii la qalay iyo in kale.

FALANQAYNTA WARKA – DF Somalia iyo Maamulka Gobolka ayaa u muuqda kuwo aan si bisayl ku jiro uga fikiri karin baahida ba’an iyo abaarta dalka ka jira ee keenaysa inay xoolahani sidoodaba kusoo bataan magaalada, iyagoo tacaddiyo kala kulma dadka ay wax ka cunaan oo ay iyaguna dhib u gaystaan.

Sidaa darteed, waxaa daruuri ah in la sameeyo goobo lagu sii hayo xoolahan oo baad iyo biyo lagu siiyo, kaddibna qofkii lahaa looga qaado lacag ganaax ah oo ay ku jirto wixii ku baxay xoolaha si uu qofku uga fikiro inuusan dib dambe xoolo ugu soo daynin magaalada, balse in tarab tarab loo qalo caqli iyo cilmi dhigayaa ma jiraan.

Hadalsame Media