Man United oo ay doonayaan maalqabeenno Qadari ah & Wararkii u dambeeyey (Old Trafford oo la dumin karo)

0

(Dooxa) 08 Feb 2023 – Maalgashadayaasha dalka Qadar ayaa qorshaynaya inay lacag badan shubaan si ay gacanta ugu dhigaan Manchester United waxayna doonayaan inay macallin Erik ten Hag siiyaan  taageero dhaqaale si uu kooxda dib ugu soo celiyo heerka sare, sida uu qorayo Sportsmail ayaa daaha ka qaaday.

Ilo-wareedyo wargal ah ayaa shaaca ka qaaday in dad gaar ah oo hanti badan leh oo fadhigoodu yahay dalkan qaniga ku ah saliidda ay ka go’an tahay inay iibsadaan kooxdan oo ay u arkaan ‘koox ka mid ah kuwa ugu waawayn kubbadda cagta’.

Waxa ay dalab u gudbin doonaan Maamulka United maalmaha soo socda, kahor inta aan la gaarin bartamaha Febraayo oo ah waqtiga kama dambaysta ah ee ay go’aamiyeen reer Glazers, waxayna kalsooni ku qabaan in dalabkoodu uu noqon doono midka ugu fiican.

Milkiilayaasha United ayaa doonaya inay wax ku iibiyaan in ka badan £6bilyan oo gini, waxaana sidoo kale jirta rajo ku dhisan in la iska doonayo kharash kale oo loogu horumariyo Old Trafford, ama xitaa in gebi ahaanba la dumiyo garoonkan caanka ah ee misna loona dhiso si casri ah.

Mashruucan oo kale wuxuu ku kici karaa in ka badan £2bilyan oo gini, laakiin taasi dhib kuma noqon doonto maalqabeennada dalka Qadar ee bahasha aadka u haya.

Hadalsame Media