“Waxaa nasoo weeraray argagixiso ay Puntland taageerayso!” – Somaliland oo bayaan hadda soo saartay xilli uu saaka dagaalku dib u bilowday

0

(Laascaanood) 07 Feb 2023 – Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in mar kale saakan weerar lagusoo qaadey fariisimada ciidamada Somaliland ee magaalada Laascaanood.

Dagaalku inuu saaka dib u bilowday waxaa sidoo kale xaqiijinaya ilo madaxbannaan.

War qoraal ah oo goor dhowayd kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland ayaa lagu sheegay inay weerarka ka dambeeyaan wax ay ku sheegeen “argagixiso ay taageerayso Puntland.”

“Waxaa Saaka 5:30 Subaxnimo marlabaad soo wareeraray Fadhiisimada Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee Magaalada Laascaanood kooxo argagixiso ah, kuwaasoo ah kooxihii shalay subax wareerka ku soo qaaday Ciidamada Qaranka iyo Xarunta Golaha Wasiirada,” ayaa lagu bilaabay bayaanka.

“Kooxahan Argagixisada ah ee saaka soo wareeraray Fadhiisimada Ciidanka Qaranka, waxaa taageeraya Ciidamo ka soo tallaabay Maamulka Putland, kuwaasoo si toosa ugu jira dagaalka saaka, waxaa kale oo iyana dagaalka qayb ka ah Ciidamada la baxay Khaatumo.

“Waxaanu u sheegaynaa Beesha Caalamka, wadamada Jaarka ah, Midawga Africa, Urur Gobeedka IGAD, Qaramada Midoobay iyo Jaamacada Carabka in dagaalka Laascaanood ay iska kaashadeen kooxo argagixiso ah iyo Maamulka Putland oo si aan gabasho lahayn dagaalka ugu jira.

“Dowladda Jamhuuriyadda Somaliland waxay ku suntan tahay nabad iyo horuumar, waxayna ku jirtaa is difaac iyo in ay shacabkeeda ka difaacdo cadawga ku soo duulay.

“Waxaa kale oo aanu Beesha Caalamka la socodsiinaynaa iyo Shacabka Somalilandba in Maamulka Putland dagaal ka abaabulayo Garoowe, iyagoo qorshanaya in ay soo weeraraan fadhiisimada Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee Jiida hore, waxayna Ciidanka Qaranku diyaar u yihiin is difaac.” Ayay lagu yiri bayaanka.

Hadalsame Media