Dhimashada dulgariirka ka dhacay Turkiga & Suuriya oo kor u dhaaftay 3,000 oo qof (Somalia oo laga saaray liis ay Turkigu shaaciyeen)

0

(London) 06 Feb 2023 – Mas’uuliyiinta Turkiga ayaa xaqiijiyey in dhimashada uu sababay dhulgariirka Turkigu uu sababay dhimashada 2,651, halka 968 kale lasoo sheegay inay ku dhinteen dalka Suuriya, kaddib markii uu dhulgariir xooggani uu sababay kumanaan dhismayaal ah oo ku burburay labada dal.

Dhulgariirkii ugu horreeyey oo cabirkiisu ahaa 7.8 ayaa ka dhacay koonfur bari Turkiga subaxnimadii Isniintan maanta ah, waxaana xigay mid 7.6 uu muggiisu yahay saacado kaddib markii ay dhaceen dhowr dhulgariir-xigeen.

Dhanka kale, Madaxa Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Turkiga (AFAD) ayaa sheegay in 6,445 qof laga soo badbaadiyey dhismayaashii dumey kaddib dhulgariirkii saaka.

Orhan Tatar ayaa sidoo kale sheegay in ugu yaraan 5,606 dhisme ay burbureen kaddib markii dhulgariirku uu ku dhuftay koonfur bari Turkiga.

Madaxwayne Recep Tayyip Erdogan ayaa isna sheegay in dalka Turkiga uu 7 maalmood oo baroordiiq qaran ah u samayn doono dadkii ku dhintay dhulgariirkii maanta, iyadoo calanka Turkiga hoos loo dhigi doono ilaa Axadda, Febraayo 12, 2023.

Dhanka kale, waxaa lasoo sheegayaa inay dhulgariirkan ku dhinteen arday Soomaali iyo Jabuutiyaan ah oo dalkaa wax ka baranaya, kuwaasoo la sheegay inay ku dumeen dhismayaashii ay deganaayeen.

Dhanka kale, Turkiga ayaa soo bandhigay dalalkii u tacsiyeeyey oo ay ka mid ahayd Somalia, balse Somalia magaceeda laguma soo darin mana lagu xusin dalalkii ay Turkigu u mahadcelinayeen oo ay soo bandhigeen.

Hadalsame Media