“Inta moobilkii ka qaatay ayuu mootadii ka tuuray wayna dhimatay!” – Dhacdo xanuun badan oo gabar saaka ku qabsatay jidka Afgooye (Tillaabo wanaagsan oo xigtey + Sawirka)

0

(Muqdisho) 07 Feb 2023 – DHACDO XANUUN BADAN – Gabdha aad sawirkeeda hoos ka aragtaan ayaa saaka la sheegay inay ku dhimatay dhacdo xanuun badan.

Gabadhu waxay mooto Bajaaj kasoo raacday Degmada Afgooye balse markii ay meel dhexe mareeyso ayaa askari ku lebbisan dharka Ciidanka islamarkaana haysta qori uu dhex kasoo raacay.

Markii ay meel dhexe marayaan ayaa la sheegay in ninkii uu gabadha ku yiri ” Keen Moobilka!”

Is jiid jiid ka dib waxaa dhacday in askarigii uu xoog ku ka qaatay Moobilkii gabadha kaddibna uu ka tuuray Bajaajtii iyadoo halkaa ku geeriyootey. Wararka qaar ayaa sheegaya in inta xabad ku dhuftay uu kadibna Bajaajtii ka tuuray.

Ha yeeshee, shacab gaari Caasi ah saarnaa oo arkayey mootada ay gabadhu ka dhacday ayaa mootadii sawirro ka qaaday dabagalna ku sameeyey waxayna markiiba wargeliyeen Booliiska.

Wada shaqayntii Booliiska iyo shacabka ayaa keentay in la qabto mootadii, ninkii lebbisnaa ee tuugga ahaa iyo wadihii mooto Bajaajta.

W; D: Amiin Y. Khasaaro

Hadalsame Media