MUSHKILAD: Man City oo haddii Serie B loo celiyo aan xitaa haysan RUKHSAD rasmi ah oo ay halkaa iyo ka hoosba uga ciyaarto (Maxaa dhacay?)

0

(London) 07 Feb 2023 – Horyaalka Heerka Labaad ee Ingriiska ee EFL ayaa lagu soo warramayaa in aysan khasab ku ahayn inay aqbasho Manchester City xubin ahaan haddii kooxdan laga cayriyo Premier League sababo la xiriira jebinta sharciyada maaliyadeed.

Kooxda horyaalka difaacanaysa ayaa waxaa Isniintii lagusoo oogey inay khaladaad gelayeen muddo 9 sano ah sida ay Premier League sheegeenna in ka badan 100 jeer ayay ku tunteen sharciyada maaliyadeed sida ku cad baaritaan afar sano ah.

Waxa ay eeduhu la xiriiraan arrimaha ay ka midka yihiin ku guuldarraysiga soo gudbinta macluumaad maaliyadeed oo sax ah dhanka dakhliga iidhehda iyo inaan la shaacinin mushaharka dhabta ah ee macallimiinta sida Mancini IWM.

Sida laga soo xigtey The Telegraph, EFL waajib kuma noqon doonto inay aqbalaan Manchester City haddii ay dhacdo in kooxda laga saaro horyaalka oo loo celiyo heerka labaad, taasoo ah ciqaabta ugu daran ee lagu ridi karo.

Caadiyan, naadiyadu waa inay codsadaan inay xubin ka noqdaan EFL marka ay ka laabtaan horyaalka Premier League dhamaadka xilli ciyaareed kasta iskaba daa Man City iyada boos caadi ah kuma laabanayso oo waxay dheeraad ku noqonaysaa kooxaha la celinayo, haddiiba ay taasi dhacdo, iyadoo seddexda kooxood ee kasoo dalacday Championship-ku ay noqdeen saamilayda Premier League.

EFL, oo maamula 3-da heer ee Championship, League One iyo League Two, ayaa lagu soo warramayaa inaysan si toos ah oo otomaatig ah u aqbalin kooxdii laga saaro Premier League maadaama 72 naadi kaliya loo ogol yahay inay xubin ka noqdaan.

Taasi waxay ka dhigan tahay in xitaa haddii City loo diido heerka 2-aad aysan sidoo kale usii diyaarsanayn inay si toos ah oo sahlan iskaga fasho heerarka kale sida 3-aad iyo 4-aad.

Hadalsame Media