Warbaahinta caalamka oo kusoo jeesatey dagaalka Laascaanood sheegtayna waxa la isku hayo (Daawo)

0

(Laascaanood) 07 Feb 2023 – Waxaa maalintii labaad si rasmi ah magaalada Laascaanood uga soconaya dagaal furan oo u dhexeeya Maamulka Somaliland oo dhulkaa xukunkiisa sheeganaya iyo dadka degaanka oo doonaya inay iyagu aayohooda ka taliyaan.

Haddaba, warbaahinta caalamiga ah ayaa soo hadal qaadday dagaalkan oo ay durba dad badan oo rayid iyo dagaalyahanba iskugu jira ay ku dhinteen islamarkaana lagu baaqay in la joojiyo.

Barnaamijka ”Focus on Africa” ee ka baxa hilinka BBC News, ayaa sheegay in dagaalku bilowday kaddib markii ay halkaa ku shireen dhaqanka Sool oo soo jeediyey inay dhisanayaan nidaam ay iyagu leeyihiin iyo inaysan gebi ahaanba talo ku lahayn qorshihii lagu dhisay Somaliland oo ah maamul sheegta inuu Somalia ka go’ay 1991-kii.

Mid ka mid ah dhaqanka ayaa Focus on Africa u sheegay inay xaaladdu foowdo tahay oo ay dad badani dhinteen qaarna ay dhaawacmeen, isagoo sheegay in isbitaallo iyo iskuullo la duqeeyey sidoo kalena korontadu ay ka go’day meelo badan adeeggiina uu go’ay, sida uu yiri.

Labada dhinac ayuu midba kan kale ku eedaynayaa inay iyagu dagaalka billaabeen.

Hadalsame Media