DEG DEG: ”Waxaa dagaalka Laascaanood ku dhintay carruur” – Beesha Caalamka oo bayaan soo saartay baaqna dirtay

0

(Muqdisho) 07 Feb 2023 – Beesha Caalamka ayaa bayaan kasoo saartay xaaladda kasoo cusboonaatay Laascaanood oo uu maalintii 2-aad ka holcayo dagaal u dhaxeeya Maamulka Somaliland iyo dadka degaanka.

Beesha Caalamka ayaa xustay inay aad uga walaacsan tahay rabshadaha hadda ka socda Laascaanood ee sababay dhimashada dad rayid ah oo ay ku jiraan carruur.

”Waxaan ku baaqaynaa in si deg deg ah loo qaboojiyo colaadda, ilaalinta rayidka, gargaar bani’aadminnimo oo aan la carqaladayn in halkaa la geeyo iyo in xiisadaha si nabdoon loogu xalliyo wadahadal.” ayaa lagu yiri bayaan goor dhow soo baxay.

Waxaa bayaankan ku wada saxiixan dalalka iyo ururrada jooga Muqdisho ee kala ah: Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), Belgium, Denmark, Jabuuti, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka IGAD, Ireland, Talyaaniga, Japan, Kenya. Netherlands, Norway, Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC), Poland, Qatar, Ruushka, Suudaan, Sweden, Switzerland, Turkiga, Uganda, Boqortooyada Ingiriiska, Maraykanka iyo Qaramada Midoobay.

Hadalsame Media