Dowladdii Kacaanku sidee ula dhaqmi jirtey marka ay xoolo magaalada soo galaan? (Arag hab-raaceedii)

0

(Muqdisho) 07 Feb 2023 – Maanta waxaa Muqdisho ka dhacday arrin weli muran ka taagan yahay kaddib markii uu Maamulka Gobolka Banaadir uu qalay kaddibna hilbohoodii qaybiyey lo’ uu kasoo ururiyey jidadka Muqdisho.

Arrintan ayay dad badani dood ka keeneen iyagoo ku tilmaamay ku takri-fal awoodeed waxaana la is waydiinayaa sharciyadda uu maamulku adeegsadey.

Baarliin Caddaawe ayaa sheeko kooban ka qortay sidii ay Dowladdii kacaanku ula dhaqmi jirtey xoolaha magaalada soo gala. Waxay geeddi-socodkii degsanaa ku bilowday sidan:

Dadka degaanka Xamar iyo Xamar Daye digniin ayaa la siin jirey waqtigii Dowladii Kacaankii dhashay 21-kii Oktoobar jirtey.

Xoolaha marka hore waxaa la xarayn jirey mudo 30 cisho ah.

Waxaa deeto laga sii dayn jirey Ogaysiiska Raadiyaha maalin kasta, waxaa kale oo lagu daabici jirey Joornaalkii Xiddigta Oktoobar.

Qofkii soo doonta sodonkaa maalmood gudohood waa la ganaaxi jirey oo qura, qofkii aan soo doonannna xoolahiisa Ciidamada Qalabka Sida ayaa loo qali jirey.

Hadda maanta 24 saac ayaa lagu qalay laakiin qofka waa dhaafi karaa ogaysiiska, ama lacagta ganaaxa kuma heli karo mudadaa kooban.

Waa khalad in xoolo lagu soo daayo caasimadda dalka oo ah ishii laga dheehanaayey dalka, laakiin in dadku haddii ay canshuurta dhiibi waayaan la dilo, haddii ay xoolohoodu magaalada soo galaanna markiiba laga qasho sax maaha iyana.

Fudaydkaasi Dowladnimo ka dheer.

W; Q: Baarliin Caddaawe

Hadalsame Media