WAR CUSUB: Maamulkii Somaliland ugu magacownaa Laascaanood oo muujiyey mowqif ka duwan midkii laga filayey

0

(Laascaanood) 08 Feb 2023 – Duqa magaalada Laascaanood ee Somaliland iyo xildhibaanada golaha degaanka ayaa muujiyey inaysan ku mowqif ahayn Maamulka Somaliland, xilli uu dagaalku galay maalintii 3-aad.

Waxay haatan ku dhawaaqeen in magaalada Laascaanood ay duqayn aan kala sooc lahayn ku hayaan Ciidanka Maamulka Somaliland.

Waxayna ku eedeeyeen inay beegsanayaan dhammaan goobaha ka caaggan dagaalka sida isbitaallada, iskuullada, masaajidda, kaalimaha shidaalka iyo xaafadaha rayidka iwm. Halkan ka DAAWO…

Waxay kaloo sheegeen in dagaalka haatan holcayaa uu u dhaxeeyo “ciidamo soo duuley” iyo dadka degaanka, iyagoo sidoo kale xusay in dagaalku u dhaxeeyo qabiillo Soomaaliyeed oo ay magacabeen.

Duqa magaalada Laascaanood ee maamulka Somaliland ugu magacownaa ayaa intaa raaciyey inay dagaallamayaan, oo ay difaacayaan dadkooda, iyagoo MW Biixi ugu yeeray inuu ciidamadiisa kala baxo dhulka SSC, sida ay yiraahdeen.

Arrintan ayaa yaxyax iyo weji-gabax ku noqonaysa Wasiirka Gudeedka Somaliland oo saacad kahor sheegay in ay argagixiso kula dagaallamayaan Laascaanood.

W; D: Faarax Cabsulqaadir

Hadalsame Media