Qannaaska Osimhen oo arrin la yaab leh u sameeyey gabar yar oo taageere ah darteed & Wixii qabsaday (Daawo)

0

(Napoli) 06 Feb 2023 – Weerar yahanka kooxda Napoli ee Victor Osimhen ayaa soo dhex galay dadwaynihii garoonka isugu yimid si uu u raalligeliyo gabar yar kaddib markii uu si kama’ ah ugu dhuftay kubbad xilli uu isku diyaarinayey kulankii Spezia oo ay 3-0 uga badiyeen.

Yeelkeede, markii weeraryahanku uu isku dayey inuu kusoo laabto garoonka si uu dib ugu biiro asxaabtiisa, taageerayaashii ayaa isku hareereeyey gooldhaliyaha qaab ciyaareedka fiican soo bandhigay, iyagoo aad u doonaya inay sawirro Selfie ah la galaan.

Muuqaal soo baxay isla Axaddii shalay ayaa muujinaya Osimhen oo gelaya qaybta jamaahiirta isagoo u socda dhanka taageeraha da’da yar, kahor inta uusan laabta gelin oo hab wayn siinnin.

Si kastaba, Osimhen oo reer Nigeria ah, ayaa ilaa haatan wada gool dhalin aan caadi ahayn xilli ciyaareedkan isaga oo dhaliyey 16 gool oo horyaalka Serie A ah 16 kulan oo uu saftay.

Hadalsame Media