Feeryahanadda Somalia ee Ramla Cali oo guul kale oo caalami ah soo hooysey + Sawirro

0

(New York) 06 Feb 2023 – Ramla Cali, oo ah gabar feeryahanad ah oo Somalia u ciyaarta, ayaa habeenimadii Sabtigii dibedda u saartay feeryahanad culus si ay ugu sii dhowaato in ay ku guuleysato horyaalka 122-ka rodol.

Gabadha Somalia ayaa ka guul heshay gabadha Australia ee Avril Mathie ciyaar10 wareeg ahayd oo bug-bax ah oo ka tirsan miisaanka fudud ee IBF taasoo ka dhacday Madison Square Garden, gaar ahaan Hulu Theatre.

Garsoorayaasha Tom Carisone, Max De Luca iyo Kevin Morgan waxay qireen bandhigga Ramla ee cajiibka ah.

Ramla Cali oo reer London ah, islamarkaana Somalia ku meteshey olombikada 2021, ayaa dhulka dhigtay gabadha reer Sydney ee Avril oo aan laga badin 10-kii kulan ee ugu dambeeyey.

Ramla Cali ayaa bishii Agoosto ee sanadkii tegey taariikh dhigtay ciyaar ka dhacday Sucuudiga, kaddib markii ay noqotay gabadhii ugu horreeysey ee wareegga hore ku badisa kaddib markii ay garaacday Garcia Nova, si ay usii waddo 6 kulan oo aan laga badin.

 

Hadalsame Media