DEG DEG: Man City oo mudan karta in dhibco laga jaro ama laga cayriyo Horyaalka Premier League (Maxaa lagu haystaa?)

0

(London) 06 Feb 2023 – Kooxda Manchester City ayaa waxaa ku dheggan Maamulka Premier League oo ah hay’adda xukunka Horyaalka Ingiriiska, iyadoo lagu haysto ku xadgudub dhaqaale in ka badan 100 jeer sagaal xilli ciyaareed gudahood.

Eedeymaha ka dhanka ah kooxda haysata horyaalka ayaa la xiriirta xogta maaliyadeed ee la xiriirta dakhliga kooxdaasi, tafaasiisha mushaharka tababaraha iyo ciyaartooyda, sharciyada UEFA, iyo faa’iidada marka la eego waxa ku dhigan baaritaanka Premier League.

War saxaafadeed kasoo baxay horyaalka ayaa lagu sheegay in kooxdu ay xeerarka maaliyadeed ku tumanaysey laga soo bilaabo Sebtembar 2009 ilaa 2017-18, haatanna loo gudbin doono guddi madaxbannaan.

Intii u dhaxaysey taariikhahan la sheegay, Man City waxay ku guulaysatey seddex koob oo kala ah Premier League ah, FA Cup iyo 3 Carabao Cup.

Waxaa lagu eedeeyey in City ay ka badbadisay ama ka been sheegtay dakhliga iidhehda, taasoo waloow ii dheh lagu sheegay ay misna bixinayeen milkiilayaasha kooxda ee reer Abu Dhabi.

Waxaa sidoo kale loo haystaa inay si qarsoodi ah u laba-laabeen mushaharka tababarihii hore ee Roberto Mancini iyagoo ka saxiixay qandaraas qarsoodi ah, waxaa kale oo ka mid ah habka loo wajahey ciyaartooyda da’da yar.

MAXAY MUDAN KARAAN? Man City oo Febraayo 2020, lagu xukumay inaysan 2 sanadood ciyaari karin Champions League lana saaray ganaax £25milyan oo gini ah kaddib markii ay ku dhegtey hay’adda CFCB, balse markii dambe laga qaaday ganaaxiina lagu soo koobay £9 milyan oo qura, kaddib markii ay sidaa xukuntay Maxkamadda Cadaaladda Ciyaaraha ee CAS, ayaa haatan mudan karta ganaax dhibco looga jarayo ama xitaa loogaba cayrin karo Horyaalka Ingiriiska.

Hadalsame Media