“Midnimada & Badqabka shacabka mas’uuliyad baa idinka saaran” – Xasan C Khayrre oo DF ugu baaqay inaysan ka aamusin Laascaanood

0

(Hadalsame) 06 Feb 2023 – RW hore ee DF Somalia, Xasan Cali Khayrre, ayaa Maamulka Somaliland ugu baaqay inay si deg deg ah u joojiyaan dagaalka Laascaanood.

“Bismilaah, Waxaan aad uga xumahay colaadda iyo dagaalka maanta dib uga soo cusboonaaday magaalada Laascaanood ee sababay dhimashada iyo dhaawaca dad shacab ah. Waxaan u tacsiyeynayaa dhammaan ehelada iyo qaraabada dadka shacabka ah ee geeriyooday, waxaanna Allah uga baryayaa in uu Jannaddii ka waraabiyo inta dhaawaca ahna uu u boogo-dhayo,” ayuu qoraalkiisa ku bilaabay Khayrre.

“Waxaan ugu baaqayaa Maamulka Somaliland, madaxda, Isimadda iyo duubabka dhaqanka, aqoon’yahanka iyo siyaasiyiinta reer laasacaanood in dagaalka si deg deg ah loo joojiyo, lana ilaaliyo rabitaanka iyo xuquuqda shacabka kunool Gobolka Sool.

“Hey’adaha gargaarka waxaan ugu baaqayaa in ay u guntadaan sidii daaweyn, gurmad iyo samatabixin deg-deg ah loogu samayn lahaa dadka shacabka ah ee waxyeeladu kasoo gaareen dagaalka.

Khayrre ayaa DF Somalia ugu baaqay inay tillaabo qaadaan oo aysan ka gaabsan colaadda Laascaanood.

“Dowladda Federaalka ah waxaa masuuliyad dastuuri ahi ka saaran tahay ilaalinta midnimada Dalka iyo badqabka shacabka Soomaaliyeed.” Ayuu xusuusiyey Khayrre.

Hadalsame Media