Shiinaha oo lasoo baxay gantaal guuxiisa 10 jeer ka dheereeya oo aan la qaban karin (Farriin dadban oo ku socota Maraykanka)

0

(Beijing) 06 Feb 2023Waxa loo arkay fariin sogordahan oo ku socota Maraykanka tiiyoo ay jirto xiisadda sii kordhaysa ee labada dal, Ciidanka Xoraynta Dadka Shiinaha (PLA) ayaa si cad u muujiyey awooddooda gantaalaha difaaca ee YJ-21 ee guuxooda ka dheereeya ee lidka maraakiibta oo ah kuwo aan la qaban karin.

Awoodaha aan dhiganka loo haynin ee gantaalaha YJ-21 ama Eagle Strike 21 (baaqa NATO) ayaa lagu qaadaa dhigay maqaal lagu daabacay koontada rasmiga ah ee ay Weibo ku leeyihiin Qaybta Istiraatiijiyadeed ee Ciidanka Xoreynta Shiinaha, sida ay South China Morning Post sheegtay.

Maqaalka oo si wayn looga aqriyey baraha bulshada ee Shiinaha ayaa iftiimiyey in gantaalka YJ-21 ee Shiinaha uu xawaarihiisu 10 jeer guuxiisa ka dheereeyo.

Waxay intaa raacsheen, in gantaalkan oo uu Shiinuhu sameeyo, aysan qaban karin habab kasta oo ah kahortagga gantaalaha adduunka islamarkaana uu weerarro halis ah ku qaadi karo maraakiibta cadawga.

Falanqeeyayaasha arrimaha gaashaandhigga ayaa tadawurkan cusub ku tilmaamay farriin sogordahan oo si toos ah ugu socota Maraykanka.

Sababtu waxay tahay, meesha uu Maraykanku ciidan ahaan ugu xoog badan yahay waa badda, isagoo meel kasta oo dunida ah ka fulin kara weerar ay ka wada qaybgelayaan 3-da qaybood ee cir, dhul iyo bad, balse waxaas oo dhan waxaa asal u ah markab.

Hadalsame Media