Ronaldo oo dhalashadiisa 38-aad kusoo bandhigay dadka ay aadka iskugu dhow yihiin (Maxay u qabtaan?)

0

(Riyaad) 06 Feb 2023 – Laacibka Cristiano Ronaldo ayaa kalsooni gaar ah siiyey  saaxiibbadiisa cusub marka la eego liiskiisa casuumaadda xafladda dhalashadiisa 38-aad ee ka dhacday Sacuudi Carabiya dhammaadkii usbuuca.

Ronaldo, oo doolshaha 38-jirka dubtey si uu dhalashadiisa u maamuuso, ayaa xafladdiisa oo aanu dad badan ku casuumin ugu yeeray xubnaha muhimka ah ee weli ku xiran ee asxaabtiisa iyo qoyskiisa.

Isaga oo ay weheliyaan saaxiibtiis Georgina Rodriguez, iyo curadkiisa Cristiano Ronaldo Jr, Ronaldo waxaa la joogey qaar ka mid ah saaxiibbadiis qadiimiga ah, iyo sidoo kale weriye ka socda Madrid iyo maamulihiisa dhaqaalaha.

Miguel Paixao iyo Jose Semedo waa labada saaxiib ee ugu qadiimisan saaxiibbada Ronaldo. Semedo ayaa xiriir saaxiibtinnimo la lahaa tan iyo maalmihii ay ka yar-yaraayeen ee Portugal waxayna si joogta ah isula tegayeen fasaxyada sannadihii u dambeeyey.

Ronaldo ayaa sidoo kale casuumaad u fidiyey weriyaha El Chiringuito Edu Aguirre iyo xaaskiisa Julia Salmean, kuwaas oo xiriir dhow la yeeshay Ronaldo iyo Rodriguez waqtigii uu Spain ka ciyaarayay, gaar ahaan Real Madrid.

Dadka kale ee ku sugnaa Riyaad ee la dabbaaldegaya Ronaldo waxay ahaayeen maareeyihiisa cusub iyo wakiilkiisa Ricky Regufe, iyo sidoo kale Miguel Marques, kaasoo ilaaliya hantida gaarka ah ee Ronaldo.

Regufe iyo Ronaldo waxa ay ahaayeen kuwo aan la kala maarmin tan iyo markii ay dib u kulmeen 2003-dii.

SAAXIIBBADA DHOW EE CR7

Miguel Paixao – Saaxiib hore

Jose Semedo – Saaxiib hore

Ricky Refuge – Maareeyaha Gaarka ah

Edu Aguirre – Weriye ka tirsan El Chiringuito

Julia Salmean – xaaska Edu Aguirre

Miguel Marques – Maareeyaha Hantida CR7

Jose Semedo (bidix dambe), Ricky Regufe (bidix), Miguel Paixao (labaad bidix), Edu Aguirre (midig) and Miguel Marques (midig dambe)

Hadalsame Media