XOG: Ruushka oo hub ka doonaya kooxda Daalibaan (Ma malayn kartid hubka ay hayaan)

0
Military vehicles transferred by the U.S. to the Afghan National Army in February 2021. Aghanistan Ministry of Defense/via REUTERS

(Kabul) 04 Feb 2023Haddii la raac   qiyaasaha maalinlaha ah ee ay daabacday Wasaaradda Difaaca ee Ukraine, Ruushku waxa uu ilaa hadda dagaalka Ukraine ku lumiyey in ka badan 3100 taangi, in ka badan 6300 baabuurta kale ee gaashaaman ah, in ka badan 2100 madaafiic ah, in ka badan 1900 diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, iyo ku dhowaad 300 oo diyaaradood oo kuwa ciidanka ah.

Taasi waxay keentay in dagaalka oo 24-ka bishan uu sanad buuxaa u dhamaanayo tan iyo bilowgii duullaanka Ukraine uu isku dayo inuu kaalmo ciidan ka helo dal kasta oo uu ka heli karo, maadaama ay soo qaniinayso cunaqabataynta Galbeedku, waloow aysan dacaayadina ka marnayn.

MAXAY HAYAAN DAALIBAANKU? Kaddib markii kooxdan xukunka laga tuuray 2001-kii, Maraykanku wuxuu dowladdii uu dhisay ku kharash gareeyey $ 67.59 bilyan oo Doollar gaar ahaan dhanka hubaynta ciidamada Afgaanistaan iyo taageerada dowladda.

Intii u dhaxaysey Agoosto 2005 iyo Agoosto 2021, Maraykanku waxa uu Ciidanka Difaaca iyo Amniga Qaranka Afgaanistaan ​​(ANDSF) siiyey qalab ku kacaya lacag dhan $18.6 bilyan oo Doollar. Kaddib bixitaankii Maraykanka Agoosto 30, 2021-kii, $7.12 bilyan oo Doollar qalab ciidan oo ku kacaya ayaa ku haray Afgaanistaan.

Marka loo eego qiimaynta Wasaaradda Gaashaandhigga Maraykanka ee US DoD, qalabka ay ka tageen ciidamada Maraykanka ayaa isugu jirey diyaarado, bambooyinka dhulka, gawaari dagaal, hub kale oo muhim ah, qalabka isgaarsiinta iyo agabyo kale.

Qaar ka mid ah qalabkan casriga ah ayaa laga yaabaa in loo weeciyo dhanka Moscow haddii heshiiska socda lala galo Taliban. Ruushka ayaa sii wada la macaamilka Taliban, iyagoo siinaya saliid laga soo dhoofiyo Moscow ilaa sannadkii hore.

Hadalsame Media