Maraykanka oo soo ridey buufinkii Shiinaha & Wasiir Dibadeedka dalkaasi oo baajiyey booqashadii Beijing (Daawo)

0

(South Carolina) 04 Feb 2023 – Ciidamada Maraykanka ayaa soo ridey buufinkii “basaaska” lagu sheegay ee Shiinaha oo marayey Badwaynta Atlantic.

Xilli uu buufinku ku sugnaa meel ka baxsan xeebta gobolka South Carolina iyadoo markii hore lagu dul arkay hawada Montana, ayaa waxaa toogtey diyaaradaha dagaalka ee Maraykanka goor aan fogayn, sida ay sheegeen ilo-wareedyo uu ku jiro Fox News ah.

Sarkaal sare oo ka tirsan Gaashaandhigga ayaa sheegay xilli galabnimadii Khamiista warbixin kooban Dowladda Maraykanka lagu siiyey inay “ku kalsoon yihiin” in buufinkan oo basaas ihi uu ka yimid dhanka Jamhuuriyadda Dadka ee Shiinaha.

“Waxaa la dumay agab ciidan oo kasoo kacay  Billings Airport waxaana ku jirtey diyaarad F-22 ah.” Ayuu yiri sarkaalka Maraykanka ah.

Arrintan ayaa keentay saamayn diblomaasiyadeed, iyadoo uu Wasiir Dibadeedka Maraykanka ee Antony Blinken ayaa baajiyey booqasho uu ku tegi lahaa Beijing si xiisadda loo yareeyo.

Halkan ka DAAWO…

Hadalsame Media