Casemiro oo 3 kulan ka maqnaan doona (Maku jiraa final-ka Carabao Cup??)

0

(Manchester) 04 Feb 2023Laacibka Casemiro ayaa seegi doona seddexda kulan ee soo socota ee Manchester United kaddib markii laga saaray kulankii Crystal Palace markii uu labada gacmood ku ceejiyey laacib kasoo horjeeda.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee raacaha ah ayaa laga cayriyey garoonka kaddib falkii uu kula kacay ciyaaryahanka Eagles ee Will Hughes intii lagu guda jirey buuq garoonka ka dhacay daqiiqadii 70-aad ee ciyaarta, balse makarkii VAR uu hubiyey garsoore Andre Marriner, Casemiro waa laga saaray garoonka.

Manchester United ayaa 2-1 kaga badisay kooxda ka dhisan koonfurta London, tiiyoo ay ciyaartu ku yara adkaatay kaddib casaankii loo taagey xiddigga reer Brazil ee xoogga miiran ah.

Haddaba, inkasta oo uu ganaaxani, misna Casemiro waxa uu ciyaari doonaa final-ka Carabao Cup ee ay la ciyaarayaan  Newcastle United dhamaadka bishan, gaar ahaan 26-ka Febraayo.

Waxaase uu seegi doonaa seddexda kulan ee soo socota ee United, oo ay ku jiraan ciyaaraha labada kulan ah ee ay la yeelanayaan Leeds, iyo sidoo kale kulanka gurigooda ay ku qaabilayaan Leicester City – kaasoo uu ku dhex jiri doono kulankooda Europa League ee Barcelona.

Hadalsame Media