Varane oo faahfaafiyey sababta uu uga fariistay ciyaaraha caalamiga ah (Arrin uu aad u dhibsaday)

0

(Manchester) 04 Feb 2023Daafaca Raphael Varane ayaa daaha ka qaaday inuu go’aansaday inuu isaga fariisto xulka qaranka France sababtoo ah waxa uu ku dhibtoonayey in uu la tacaalo ‘jadwalka xad dhaafka ah’ ee kubada cagta ee aadka u raran.

Varane ayaa sheegay inuu dhamaaday waqtigiisa ciyaaraha caalamiga ah Khamiistii, inkastoo uu u muuqdo inuu weli joogo heerkiisii ​​ugu sarreeyey oo uu weli laba bilood jiro dhalashadiisa 30-aad.

Yeelkeede, daafaca Manchester United ayaa hadda ka hadlay dhibka ay u gaystey inuu ciyaaro kulamo fara badan oo iskugu jira kuwo maxalli ah iyo qaar maxalli ah oo uu qaranka ku metelayo.

“Wax walba ayaan sameeyey, jir ahaan iyo maskax ahaanba,” ayuu Varane ku yiri waraysi uu siiyey hilinka Canal+ kaasoo ay tahay in si buuxda loo sii daayo Axadda berri ah.

“Waxaan lahayn jadwalyo xad dhaaf ah, waxaana u ciyaarnay si aan kala joogsi lahayn. Hadda, waxaan dareemayey sidii inay neeftu igu dheggan tahay.” ayuu raaciyey isagoo sheegay inuu xaalkiisu la mid noqday sidii mashiinka dharka lagu dhaqo.

Hadalsame Media