(Hadalsame) 04 Feb 2023 – Kooxda Arsenal ayaa markii 2-aad oo xiriir ah waxaa garaacday kooxda Everton, balse markan waa iyada oo ku jirta kaalimaha ugu hooseeya Horyaalka Ingiriiska, halka Gunners ay taagan tahay kaalinta 1-aad.
Yeelkeede, taageerayaasha Gunners ayaa inta badan laba arrimood diiradda saaray marka aad eegto fal-celintooda baraha bulshada, taasoo muujinaysa inay arrintaa aad u dhibsadeen.
3 – Mikel Arteta has lost all three of his away matches against Everton in his managerial career. Indeed, Arteta is the first Arsenal manager to lose three consecutive Premier League away games against the Toffees. Stunted. pic.twitter.com/1Trt88NLhY
— OptaJoe (@OptaJoe) February 4, 2023
Middi waa bedelka Thomas Teye Partey iyadoo uu garoonka weli kusii jiro Xhaka, mida 2-aadina waa soo gelidda ciyaarta ee Jorginho, kaasoo ay sidoo kale aad u qaadaa dhigayaan.
Caadiyan ulama jeedaan inuu isagu sabab toos ah u ahaa guuldarrada, balse waxay ku doodayaan inuusan la qabsan kaalinta 1-aad, waloow aysan Arsenal lafteedu ahayd koox kaalintaas lagu yaqaanney muddo 20 sanadood ah.
Halkan ka eeg fal-celintooda…
Hadalsame Media