“Maamullada Chelsea & Benfica waxay ku sigteen inay is feeraan” – Saxaafadda Portugal oo daadisay arrin la qarinayey & Waxa la isku maagay

0

(Lisbon) 03 Feb 2023 – Madaxda Chelsea iyo Benfica ayaa ku dhowaaday inay iskula dhacaan mustaqbalka Enzo Fernandez, sida laga soo xigtey warbixino yaab leh oo kasoo baxay Portugal.

Labada dhinac ayaa wadahadallo ku wada jirey tan iyo Koobkii Adduunka, iyadoo Chelsea ay 22-jirkan ka dhigatay bartilmaameedkooda ugu sarreeya kaddib markii ay la dhaceen qaab ciyaareedkiisii Qadar.

Wadahadallada ayaa soo jiitamayey inta badan bishii Janaayo iyadoo daabacaadda warqaadka Portuguese-ka ah ee Record ay hadda daaha ka qaadday xiisad xooggan oo u dhaxaysey labada maamul markii ay kulmeen si ay uga hadlaan Fernandez.

Benfica oo Jorginho loosoo bandhigay ayaa riixaysey in la siiyo Mateo Kovacic oo lagu daro heshiis isku beddelasho ah, walow ay ordeen mushaarkiisa oo 5m oo gini ah. Chelsea ayaa beenisey wararkan ka imaanaya Portugal, sida uu ka xigtey Sportsmail.

Xogtan ayaa sidoo kale sheegaysa in Fernandez – oo aad u xiisaynayey inuu u dhaqaaqo kooxda ka ciyaarta Premier League – uu xitaa ku hanjabey inuu faafin doono muuqaalka.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in labada maamul ay is afgaran waayeen oo ay aad u murmeen, iyadoo wararka qaar ay sheegayaan in madaxda labada dhinac ay xitaa ku dhlwaadeen iska hor imaad xooggan oo gacmaha la isula tago dhex mara.

Rui Costa ayaa la sheegay inuu mar qolka caro kaga baxay kaddib markii ay Chelsea laashay dalabkeedii hore ee ahaa £107 milyan oo gini iyadoo soo bandhigtay ilaa £80 milyan oo gini iyo hal laacib.

Hadalsame Media