“Halla soo rido!” – Trump & Xildhibaanno Maraykan ah oo soo jeediyey in la toogto buufinka & Shiinaha oo jawaab yaab leh bixiyey

0

(Florida) 03 Feb 2023 – MW hore ee Donald Trump ayaa ugu baaqay Pentagon-ka  inay soo ridaan  buufin Shiinees ah oo basaas lagu sheegay waloow ay Beijing sheegtay inuu si lama filaan ah uga weecday dhabbihii oo uu galay hawada Maraykanka.

Sida uu kusoo qoray Ruth Social subaxnimadii Jimcahan, Madaxwaynihii hore wuxuu yiri: “Halla soo rido buufinkaa.”

Koox xildhibaanno ah oo ka tirsan Xisbiga Jamhuuriga ayaa mar sii horreeysey ka dalbaday Maamulka Biden in ay toogtaan baluunkan, kaas oo lagu arkay isaga oo duulaya meel u dhow xarun nukliyeer oo ku taalla gobolka Montana.

“Halla toogto. Buufinka basaaska ah ee Shiinaha waa daandaansi cade.” ayuu soo qoray Xildhibaanka Montana ee Jamhuuriga Ryan Zinke oo sidaa soo tweet-gareeyey.

Si kastaba, afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Shiinaha ayaa maanta sheegtay in buufinku uu ahaa mid cilmi-baaris ku samaynayey saadaasha hawada, kaasoo ku khaldamay hawada Maraykanka.

Hadalsame Media