Booliiska Norway oo joojiyey in Qur’aanka lagu gubo magaalada Oslo (Cadaadis uga yimid Turkiga)

0

(Oslo) 03 Feb 2021 – Ururka Islaam Nacaybka ku shaqeeya ee SIAN ayaa qorshaynaysey inay Quraanka Kariimka ah ku gubaan bannaanka Safaarada Turkiga maanta oo Jimce ah. Hadda se booliiska Norway ayaa waxay mudaharaadkan muranka dhaliyey u joojinayaan “sababo amni”.

Maalintii Khamiistii ayaa Safiirka Norway ee Turkiga looga yeeray Wasaarad Dibadeedka Turkiga ee magaalada Ankara. Waxaana uu Turkigu wax ka waydiiyey ogolaansho la sheegay in la siiyay mudaaharaad sharaf dhac ku ah Qur’aanka Kariimka ah, sida ay qortay Reuters.

Ilo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Turkiga ayaa oggolaanshahan ku tilmaamay “fal daandaansi ah”.

Xisbiga Midigta Fog ee Islaam Nacaybka caadaystey ee Stop Islamization of Norway (SIAN) ayaa Khamiistii VG ku wargaliyey inay qorshaynayaan inay ku gubaan Qur’aanka Kariimka ah afaafka hore ee Safaaradda Turkiga maalinta Jimcaha ah ee maanta.

”Waxaan tan u samaynayaa dulqaad la’aanta Turkiga ee qiyamka xorriyadda reer Galbeedka. Mana ogolaan karno in Erdogan uu wax la xukumo maamullada ka jira wadamada reer Galbeedka.” ayuu ku dooday hoggaamiyaha SIAN, Lars Thorsen, oo sidaa u sheegay VG.

Muddo yar kaddib se, booliska degmada Oslo ayaa joojiyey mudaharaadkii SIAN ee muranka dhaliyey.

Hadalsame Media