Saxaafadda caalamiga ah oo isticmaashay sawirrada gawaari gaashaaman oo horay Somalia loo siiyey oo uu Ruushku ka qabsaday Ukraine

0

(Kyiv) 02 Feb 2021 – Sawirro laga soo qaaday baabuur nooca gaashaaman oo lagu magacaabo Kirpi oo ah nooca Turkish-sameega ah, kuwaasoo la qabsaday islamarkaana ay haatan isticmaalaan ciidamada Ruushka ee ku sugan Ukraine, ayaa kasoo muuqday internetka.

Baabuurtan ayaa waxaa horraanba wata Cutubka Guurguura ee Ruushka. Waxay qayb ka ahaayeen gargaarka millateri ee Turkigu uu siiyey ciidamada qalabka sida ee Ukraine.

Gawaaridan oo la yiraahdo Kirpi islamarkaana ay samayso shirkadda Turkiga ee BMC ayaa Ukraine la siiyey Agoosto 2022-kii. Qaybtii ugu horreeysey waxa ay ka koobnayd 50 baabuur. Ugu dambayntii, sida laga soo xigtey ilo kala duwan, qiyaastii ilaa 200 oo baabuur ayaa la rabey in la siiyo Ukraine.

Waxaa se jira macluumaad sheegaya in soo saaraha gaadiidkan ee BMC iyo Dowladda Turkigu ay qorshaynayaan inay gaadiidkan Kirpi oo badan usoo diraan Ukraine maadaama ay ku qalabaysan yihiin difaacyo adag.

Muuqaallo lagu faafiyey Oryx portal, ayaa waxaa lagu sheegay khasaaraha ugu yaraan 8 gaari oo Kirpi ah, shan la burburiyey, laba la waxyeelleeyey iyo mid lagu qabsaday dagaalladii ugu dambeeyey ee ka dhacay degaanada Soledar iyo Bakhmut.

Waxa xiiso leh in baabuurka ay qabsadeen Ruushku uu leeyahay rinji cagaaran oo Saytuuni ah oo aad ugu habboon muuqaalka bariga Yurub, waxayna Ruushku ugu dareen inay ku xardhaan astaanta Z ee calaamadda u ah duullaanka Ruushka ee Ukraine.

Waxaa kale oo xusid mudan, in warbaahinta ka hadasha wararka ciidamadu ay markii ay warkan qorayeen ay adeegsadeen gaadiidkan Kirpi qaybtii la siiyey dalka Somalia oo uu ku dheggan yahay Calanka Somalia. Halkan ka arag kuwa laga soo qaatay….

Hadalsame Media