Ruushka oo Ukraine keenay taangi aan cidina wadin oo lagu naanayso ”Robot-ka Dilaaga ah” & Taangiyo uu bartilmaameedsan doono (Daawo)

0

(Moscow) 02 Feb 2023Dufcaddii ugu horreeysey ee aaladda dagaalka ee Marker, oo horay loo sameeyey, ayaa haatan soo gaarey Ukraine maalmo kaddib markii madaxii hore ee hawada sare ee Ruushka, Dmitry Rogozin, uu ku qoray bogga Telegram-kiisa in robot-kan dagaalku uu ”dab ku xiri doono“ goobaha dagaalka ee Bariga Ukraine.

Maanta, Febraayo 2, Madaxii hore ee Roscosmos iyo madaxa kooxda la-talinta gaarka ah ee millateriga “Tsar’s Wolves,” Dmitry Rogozin, ayaa kaga dhawaaqay boggiisa Telegram in afar robot oo noocan ihi ay yimaadeen gobolka Donbas ee bariga Ukraine.

Marker-ku waa gaari gaashaaman oo aanay cidina wadin (UGV), kaas oo muuqaal ahaan u eg taangiga. Waxa kale oo uu leeyahay meelo lagu xiri karo qalab sida dareen wadayaal iyo hub kala duwan. Waxaa ka mid ah meelo lagu xiri karo qoryo boobayaal ah iyo xitaa gantaalaha lidka taangiyada. Waxaa laga hagi karaa meel fog.

Mar sii horreeysey, Rogozin wuxuu sheegay in dhowr nooc oo Robot-kan ah uu Ruushku gayn doono Ukraine bisha Febraayo si loo baabi’iyo taangiyada reer Galbeedku ballanqaadeen gaar ahaan waddamada NATO.

Kaddib toddobaadyo ay jirtey dibloomaasiyad gebi dhaclays ah, Maraykanka iyo Jarmanku waxay ku dhawaaqeen Janaayo 25 inay Ukraine gaarsiin doonaan tawaangida Abrams iyo Leopard-2 ee ay kala sameeyaan, siday u kala horreeyaan.

binary comment

Hadalsame Media

Facebook Comments