DEG DEG: Ilhaan Cumar oo laga cayriyey Guddiga Arrimaha Dibedda & Xildhibaanka qura ee Jamhuuri ah ee u codeeyey (Arrin ay ku gooddisey)

0

(Washington, DC) 02 Feb 2021 – Xildhibaanadda Ilhaan Cumar, ayaa gebi ahaanba laga saaray Guddida xoogga badan ee Arrimaha Dibedda ee Aqalka Wakiillada, kaddib markii lagu eedeeyey ”Yuhuud nacayb.”

Golaha ayaa cod u qaaday goor dhow si lagaga saaro guddiga, waxaana ogolaaday 218 xildhibaan, waxaana diidey 211 mudane, taasoo ka dhigan inay ku baxday 7 cod. Xildhibaanka qura ee Jamhuuriga ah ee u codeeyey inay joogto waa David Joyce oo Ohio metela.

Jamhuuriyiinta Aqalka Congress-ka ee ayaa ku dooday in Cumar aysan xaq u lahayn ka mid ahaanshiyaha guddigan iyadoo la eegayo hadalladii ay horay u sheegtay ee la xiriirey Israa’iil oo mararka qaar ay xubnaha labada xisbi ku dhaleeceeynayeen inay naceyb tahay, taasoo ah meesha la isku gaado Maraykanka.

Dimuqraadiyiinta ayaase dhaleeceeyey tillaabada lagu cayriyey Ilhaan Cumar, waxayna ku doodeen in ay ka dhigan tahay fal aargoosi siyaasadeed ah iyo in xisbiga Dimoqraadiga ee Minnesota lagula xisaabtamo hadalladeedii hore.

Cumar ayaa ku gacan sayrtay inay wax u dhibayso arrintan khudbad ay jeedisey kahor codbixinta. “Hoggaankayga iyo codkayga wax uma dhimmi doono haddaanan guddigan ku jirin hal xilli. Codkaygu aad buu usii xoogaysan doonaa,” ayay tiri.

“Marka codeeya ama ha codaynina – waxaan halkan u joogaa inaan noqdo cod kasoo horjeeda waxyeellada aduunka oo aan u doodo adduun ka wanaagsan sida haatan.” ayay tiri.

Hadalsame Media

Facebook Comments