SAWIRRO: Golaha Wasiirrada Kenya oo markii ugu horreeysey taariikhda yeeshay shir WARQAD la’aan ah + Sababta

0

(Nairobi) 31 Jan 2023 – Madaxwayne Williams Ruto ayaa Talaadadan guddoomiyey shirkii ugu horreeyey ee ay abid yeeshaan Golaha Wasiirrada Kenya iyadoo uusan jirin hal qof oo warqad sita, taasoo qayb ka ah olole uu wado MW dalkaasi.

Qorshahan oo la yiraahdo ”Qorshaha Dhijitaalaynta” ama digitisation drive, ayaa looga maarmayaa warqadihii kiilooyinka ahaa, faylashii cuslaa iyo dokumentiyadii lagu qaadayey boorsooyinka.

Balse, taa biddaalkeeda waxay wasiirradu wataan agabyo elegtaroonig ah sida Ipads yar yar oo toos ugu xiran faylashooda, xusuus-qorkooda iwm oo iyana loo kaydiyey qaab dhijitaal ah.

Tillaabada geesinnimada leh ayaa la filayaa inay si wayn hoos ugu dhigto kharashka ku baxa daabacaadda islamarkaana ay kor u qaaddo amniga diiwaannada Golaha Wasiirada.

Madaxwayne Ruto ayaa sheegay in dhijitaalaynta shirarka Golaha Wasiirradu uu calaamad cad u yahay in dowladdu ay ku socoto jidkii casriyaynta.

Hadalsame Media