D-DAY: Xiddigaha ay saacadaha soo aaddan kala qaadan karaan kooxaha Yurub (Jorginho oo Arsenal tegaya)

0

(London) 31 Jan 2023 – Waxaan idiin haynaa wararkii ugu dambeeyey ee suuq-jiilaalka Jannaayo oo caawa xirmaya iyo kooxaha tirada yar ee tillaabooyin qaadaya maanta, iyadoo suuqani uu inta badan ka caajis badan yahay kuwii hore.

ARSENAL – Kooxda Arsenal ayaa heshiis la gaartey Chelsea oo ay ka qaadanayaan Jorginho oo ay diiradda wada saareen si ay u helaan oo ay ku bixinayaan £12milyan oo gini.

Yeelkeede, waxay Brighton kala kulmayaan is caabbin culus oo ku aaddan Moises Caicedo. Dalabkoodii ugu dambeeyey oo ay ku gaareen £70 milyan oo ginni oo laga diidey, welise ma quusan.

NEWCASTLE – We are delighted to announce the signing of Harrison Ashby from West Ham United! Newcastle United ayaa sheegtay inay xaqiijisay saxiixa Harrison Ashby oo kaga yimid dhanka West Ham United.

BARCELONA – Barcelona ayaa doonaysa Julian Araujo oo ah 21-jir u safta kooxda LA Galaxy oo ay ku doonayaan qaab amaah ah oo dookh iibsi leh, si uu ugu bedelo Hector Bellerin. Waxaa kale oo ay amaahan rabaan Sofyan Amrabat ilaa dhamaadka xilli ciyaareedkan, Fiorentina ayaa la sheegayaa inay ogolaatay inuu baxo.

CHELSEA – Kooxda Chelsea iyo taageerayaasheeda ayay markan ka dhaadhacsan tahay inay qaadan karaan laacibka khadka dhexe ee Enzo Fernandez oo qiime rikoodh jebis ah ku iman kara Horyaalka Ingiriiska.

Taageerayaasha Chelsea ayaa ku qancay diyaarada khaaska ah ee kooxda ayaa u duushay Lisbon si ay heshiis ula soo laabato Enzo Fernandez.

PSG – Paris St-Germain ayaa rajaynaysa inay amaah kula soo wareegto weeraryahanka Chelsea iyo Morocco ee Hakim Ziyech inta ka dhiman xilli ciyaareedka, iyadoo 29-jirkan loo malaynayo inuu doorbido u beddelashada Faransiiska halkii uu ku biiri lahaa koox kale oo Ingiriis ah.

W; D: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media