Ingiriiska oo noqday dalka ugu dhaqaalaha liita dalalka G7 + Sababta (Xukuumadda oo hal arrin loogu baaqay)

0

(London) 31 Jan 2023 – Saadaal dhaqaale xumo sheegaysa ayaa laga soo saaray dalka UK maanta, taasoo cadaadis dheeraad ah saari doonta xukuumadda si loo dhimo canshuurta.

Hay’adda Lacagaha Adduunka ee IMF ayaa waxa ay u saadaalinaysaa Britain inay noqoto dhaqaalaha ugu liita sanadkan marka la eego guud ahaan dalalka G7, iyadoo wax soo saar ahaan sanadkan 2023 hoos u dhici karta 0.6 boqolkiiba.

Tani waxay ka duwan tahay qiyaastii hore oo ahayd inuu dhaqaaluhu samayn doono kobac aan waynayn oo ah 0.3 boqolkiiba, islamarkaana waxay aad uga fogtahay 4.1 boqolkiiba uu dhaqaaluhu koray 2022-kii.

Siyaasadda maaliyadeed ee adag – cashuuraha oo badan iyo lacagaha ay dowladdu maalgelinta ku samayso oo hooseeya – ayaa lagu tilmaamay inay tahay qodobka ugu muhiimsan ee keenaya hoos u dhacan xooggan.

Kor u kaca heerka dulsaarka iyo biilasha tamarta ee kor u kacay ayaa sidoo kale laga saari karaa arrintan sida uu qabo Kormeeraha Dhaqaalaha Adduunka ee World Economic Outlook.

Haddii saadaasha IMF ay sax noqoto UK waxay noqon doontaa xubinta kaliya ee ka tirsan dalalka wershadaha leh ee G7 ee uu dhaqaaleheedu sidaa u hooseeyo ama uu naaqus galo 2023-ka, waloow ay maanta jiraan dalal in badan oo G7 ku jrita ka wershado badan misna aan ku jirin.

Hoos u dhacan la saadiyey ee ugu dambeeyey ayaa waxa uu qaylada ku kordhin doonaa xukuumadda UK oo ay hoggaamiyeyaasha ganacsiga iyo xildhibaannada Tory ee talada hayaa ay RW Rishi Sunak iyo Wasiirka Maaliyadda ee Jeremy Hunt ay ka dalbanayeen inay dhimaan canshuurta oo keenaan qorshe lagu qanci karo oo sahla soo kabasho dhaqaale.

Hadalsame Media