“Chelsea waxay lacagta u farraqaysaa sidii naaquudeyaal saqraansan!” – Simon Jordan oo furka ku xooray Blues

0

(London) 31 Jan 2023 – Ganacsadaha Ingiriiska ah ee Simon Jordan ayaa ku dooday in Chelsea ay ‘lacagta u kharash garaynayso sidii naaquude saqraansan’ iyagoo weli suuqa ugu jira laacibiin cusub.

Blues ayaa kharash garaysay ku dhowaad £500milyan oo ginni muddo lix bilood ah oo uu maamulayey Todd Boehly, iyagoo durba dhamaystiray 15 heshiis min xagaagii ilaa jiilaalkan.

Kooxdan galbeedka London xitaa hadda uma muuqdaan kuwo hakanaya – iyagoo ku sii dhowaanaya jeshiis rikoodh jebin ah oo ay ku rabaan Enzo Fernandez – waxayna keentay inuu weeraro guddoomiyihii hore ee Crystal Palace.

Isagoo ka hadlayey barnaamijkiisa talkSPORT, Jordan ayaa yiri: “Lixda kooxood ee ugu sarreeysa, kuwaas oo Chelsea aysan ka mid ahayn laakiin maskaxdooda ay ku jiraan… waxaana hubaal ah inay wax u kharash garaynayaan sidii naaquudayaal saqraansan!”

“Chelsea labadii suuq kala iibsi ee ugu dambeeyey waxay kaligeed farraqday ku dhowaad 25% dhammaan kharashaadka dalkani bixiyey!” Ayuu raaciyey.

Hadalsame Media