Enzo Fernandez oo la sheegay inuu caafimaadka marayo, Man U oo Sabitzer ku dadaalaysa & Wararkii ugu dambeeyey

0

(London) 31 Jan 2023 – Waxaan idiin haynaa wararkii ugu dambeeyey ee suuq-jiilaalka Jannaayo oo caawa xirmaya iyo kooxaha tirada yar ee tillaabooyin qaadaya maanta, iyadoo suuqani uu inta badan ka caajis badan yahay kuwii hore.

CHELSEA ayaa waxay ku dhowdahay inay la soo wareegto laacibka khadka dhexe ee Enzo Fernandez oo ay wararka qaar sheegayaan inuu caafimaadka ku maray Lisbon – iyadoo ku bixinaysa lacag rikoodh ah oo £115 milyan oo ginni ah oo haatan lagu heshiiyey.

Wada xaajoodyadii u dhexeeyey Blues iyo Benfica ee ku saabsanaa xiddiggan ku guulaystey Koobka Adduunka ayaa hakad ku jirey, laakiin hadda dhammaan jidadku hal dhinac kuwo ujeeda ayay u muuqdaan inta aanu suuqu xirmin caawa.

Chelsea, imaanshiyaha kaliya ma ahane dhowr laacib ayaa ka tegi kara. Hakim Ziyech ayaa aad ugu dadaalaya inuu amaah kula biiro PSG.

MAN U – Man United ayaa iyana waqtiga la hardamaysa si ay usoo qaadato laacibka Marcel Subitzer ee dalka Austria oo ay doonayaan inay kasoo qaataan Bayern Munich, si ay ugu daboolaan booska Christian Eriksen oo dhaawacmay.

Warka haatan soo baxaya wuxuu sheegayaa inay labada dhinac heshiiyeen oo uu laacibku caafimaadka marayo, isagoo ku imanaya qaab amaah ah, sida la sheegayo.

Halkan kala soco suuqa kala iibsiga…

Hadalsame Media

Facebook Comments